Search
Close this search box.

Xanuunada nafsadda ku dhaca

Qore: Dr. Saadiq Enow

Xanuunada nafsadda ku dhaca waxay kamid yihiin cudurrada aadamiga uu la il-darraado ee noloshooda ku keena caqabado gaarsiiya hawl-gabka. Ma-jiraan sababo leysku raacsan yahay oo la aqbali karo, kuwaas oo loo cilladeeyo in xanuunada nafsaddu ay dhaliyaan. Waxaase jirta aragti guud oo ay isku raacsan yihiin aqoon-yahannada iyo takhaatiirta ku hawlan cilmi-baarista cudurradan. Aragtidaas waxay ka dhaxleen raad-raac ay ku sameeyeen qaabka looga nool yahay cimilada ay cudurradan ku badan-yihiin. Waxaa u muuqatay natiijo sheegeysa arimo ay kamid yihiin colaadaha daba-dheeraada, gaajada daran, wel-welka dheeriga ah, adeegsiga maan-dooriyaha, mixnadaha loo xal-waayo iwl.

 Saadiq Enow

Bulshada ay noloshoodu weheliso mid kamid ah cilladahaas aanu soo xusney, dadkeedu waxaa ku bata tirada dadka nafsad-ahaan u xanuunsan. Haddii ay dhowr cillad isugu-tagaanna waa ay ka sii liidanayaan. Maadaama nafsaddu ay tahay tamar qofka ka shaqeesiineysa oo aanan aqoon loo lahayn, dhaawacyada ku yimaada waxaa laga akhristaa falalka iyo falaadka khariban ee qofkaasi dhaawacan uu bulshada kula dhex-meereysanayo. Tilmaamaha tusaalaha u ah xanuunada nafsadda ku dhaca waa badan yihiin waana kala ayni. Waxaa u sabab ah halwaso uu maskaxdiisa ka heliyo qofka xanuunsan oo ayan la wadaagin dadka markaas ag-jooga. Sidaas darteed khadka ayuu ka baxayaa isaga oo malaynayo in ficilladiisa iyo go’aamadiisa uu ku saxan yahay.

Cudurradan waxay ka muuqdaan qaab fekerka, shucuurta, hab-dhaqanka khaldan iyo dareenka ciriiryoon ee uu ku sugan yahay qofkaasi xanuunsan. Waa cudurro bukaan-socod ah oo dhaliya murugo weyn oo loo arko in qofku uu ka leexday falka caqli-galka ah ee lagu ilaashay dhaqanka hufan. Marka la eego arimaha la xiriira qaabka nafsad-nololeedka (Bio-psycho-social Model), cilladaha noololeed (biological issues), sabab nafsadeed  (psychological reason), iyo sabab bulshadeed (social reason), waxaa suuragal dadka caamada ah iyo kuwo aanan lahayn aqoonta caafimaadka in ay ku adkaan karto in ay fahmaan mowduuca la xiriira cudurrada nafsadda. Laakiin waxaa hubaal ah xirfadlayaasha caafimaadka in ay heshiis ku yihiin jaadadka kala duwan ee fikradaha, fisiolojiyada dareenka, iyo dabeecadaha ay leeyihiin nafafyaasha xanuunsan marka loo eego in ay muujinayaan jiritaanka cilmi nafsiga.

Hab-dhaqannada qaarkood iyo waayo-aragnimada gudaha ayaa si fudud loogu calaamadin karaa in qofka nafsad ahaan u xanuunsan uu yahay dhab ahaantii qof bukaan ah. Cudurrada nafsadda ku dhaca waa noocyo badan yihiin oo waxay isugu jiraan kuwo muuqda oo qofku uu shaqaysanayo isaga oo aanan laga dareemin iyo kuwo aanan muuqan oo qofku uu maryaha tuurayo. Cudurrada qarsoon oo aanan la dareemin waxaa kamid ah cudur lagu magacaabo bulsho-nacayb (Sociopathic). Wuxuu kaga duwan yahay (Psychopathic) in midna uu dhaawacayo qof ama ashkhaas bulshada kamid ah, midna uu dhaawacayo gebi ahaan bulshada. Xaaladda caafimaad-maskaxeed ee qofka xanuunkan qaba, wuxuu si joogto ah u muujinayaa xushmad la’aan ayan u kala soocnayn saxii iyo khaladkii, isaga oo mar-walba iska indhatiraya xuquuqda iyo dareenka dadka kale.

Waxaa jira qaabab asaasi ah oo la xiriira nolol-baradka, taas oo ah cillad taag-darri maskaxeed ee lagu arko qofka qaba xanuunka Sociopathic. Waxaa lagu arkaa in jirka shakhsiyaadkaasi uu ka muuqdo iilashada xanuunada nafsadda. Dadkan ayaa degaano kamid ah maskaxdooda waxay muujinaysaa naafonimo weyn, gaar ahaan degaanka ka danbeeya indhaha ee lagu magacaabo OFC (Orbito-Frontal Cortex). Diraasada ay aqoon-yaannadu sameeyeen waxay ku heleen natiijo sheegeysa  in uu jiro hoos u-dhac xiriirka ka dhexeeya degaan-maskaxeed lagu  magacaabo vm-PFC (ventromedial prefrontal cortex) oo ah qaybta masuulka ka ah dareenka iyo dembi-falka, iyo degaan-maskaxeed kale oo isna lagu magacaabo Amygdala, taas oo dhexdhexaadisa cabsida iyo welwelka.  https://ilwadfocus.com/

Tilmaamaha lagu ogaado qofka qaba xanuunka bulsho-nacaybka maahan in qofku uu dad badan laayo ama danbiyo xooggan uu bulshada ka galo. Qofkaasi waa laga yaabaa in uusan ahayn qof ay xumaan ku tallaalan tahay. Laakiin xumaan oo dhan wuxuu u sameynayaan si uu u buuxiyo gaajada uu u qabo in loo xukmiyo garta uu isa-iinayo laguna raai-geliyo damaciisa gurracan. Damacaas ayaa tusaale ahaan  wuxuu noqon-karaa ama hanti uusan lahayn, ama gabar aanan gayaan u ahayn, ama xil uusan mudnayn, ama go’aan aanan raali looga ahayn. Haddii uu waayo wuxuu isku-deyayaa in uu bulshada ka aarsado intii karaankiisa ah.

Culimada nafsadda ee fasira dadka caynkan ah waxay ku tilmaamaan in ay jirto khalal narkisistigga ah (Narcissistic Personality Disorder). Waa tilmaan ka ag-dhow shkhsiyadda xambaarsan aragtida keli-taliska ah. Maahan isla-waydnida oo keliya tilmaanta ay ka siman yihiin labadan qof (Narcsistic & Dictator). Bal waxaa kale oo ay ka siman yihiin u iilashada ficillada aargoosiga xag-jirka ah (Vindictiveness) ee aanan saamaxaadda meel uga bannaanayn. Xanuunka caynkan ah wuxuu leeyahay  tilmaan liidata oo lagu arko kuwa aanan nafsaddooda xakamayn karin. Waa arin caadi ah in qofku uu ka aarsado qofkii wax u geystey. Laakiin qofka xanuunkan qaba, sida qaalibka ah, isaga oo gardaran ayuu wuxuu malaynayaa in isaga waxyeello loo geystey oo uu dulman yahay. Malahaas ayaa wuxuu la aadayaa bulsho aanan wax u dhimin. Dabadeed wuxuu kula dhaqmayaa fal nacaybka iyo arxan-darrida ay buux-dhaafsheen.

Ugu danbeyn 10-ka timaamood oo takhaatiirta cilmu-nafsiga ay ku gartaan bukaanka la il-daran cudurka caynkan ah waxay yihiin:

  1. in uu xukun u ooman yahay iyo saldana (Hunger for Power & Dominance)
  1. in uu u janjeero dhagar iyo khiyaano (Devious or Deceptive Tendencies)
  1. in uusan naxariisan si uu hadafkiisa u xaqiijiyo (Ruthlessness in the Pursuit of Their Goals)
  1. cadaawad ama gardarro uu u geysanayo dadka kale (Hostile or Aggressive Towards Others)
  1. in uu si fudud u xanaaqo ama u danqado (Easily Angered or Irritated)
  1. wuxuu leeyahay go’aan qaadasho masuuliyad-darri ah (Irresponsible Decision Making)
  1. is-qurxin aanan wax ka jirin iyo awood leysku qanciyo (Superficial Charm & Powers of Persuasion)
  1. wuxuu leeyahay fagaare anshax dhiman ama damiir xaddidan (Broken Moral Compass or Limited Conscience)
  1. wuxuu leeyahay xiriir kooban oo xiran (Few Close Relationships)
  1. wuxuu leeyahay iilasho wax is-daba maryayn (Manipulative Tendencies)

 

https://ilwadfocus.com/maxaad-kataqaana-10-ka-xayawaan-ee-jannada-galaya-akhriso-faah-faahintooda/

saadiqm1000@gmail.com

Share This Article