Search
Close this search box.

SADDEXDA MAGAALO OO UGU DA’DA WAYN DUNIDA

Qore: Dr. Saadiq Enow

 

Magaalo waa degaan ballaaran oo dad ku dhaqan yihiin. Waa astaan lagu garto heerka il-baxnimo oo ay gaarsiisan tahay bulshada ay degaanka u tahay. Waa degsiimo aadamiga u sahlaya nolosha, taas oo sida ay dadku u kala caafimaad badan yihiin ay degsiimadooduna ay u kala qurxoon tahay. Magaalo, waa miro ka dhasha tilmaan-howleed uu aadamigu kaga duwan yahay bahaahimka. Waa goob ay ku ku dhan-tahay aqoon iyo far-shaxan ay la soo ban-baxdey bulsho aadami ah, taas oo ay ku gaartey dadaal ay dadkeedu wadaageen. Wax-tarkeeda wuxuu gaarsiisan yahay wacyiga dadkeeda ay ugu raaxeynayaan nafta iyo ruuxda qofka aadamiga ah.

Marka la qeexayo magaalo, miisaanka la saaro waxaa u shardi ah in ay ku dhaqan yihiin 50,000 oo qof. Magaalada waxaa fadhiya maamul ka shaqeeya ururinta dadka iyo xasilinta amniga naftooda iyo hantidooda. Magaalada waxaa ka dhisan mu’asasad siyaasadeed oo ku xiriirineysa degmooyinka kale ee caalamka, kuwaas oo ama ay wadaagaan maamul qura ama uu ka dhexeeyo xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Magaalada waxay kaga duwan tahay degsiimooyinka kale ee aadanaha marka loo eego in ay ka baaxad wayn tahay.

Waxaa kale oo ay kaga duwan tahay howl-maalmeedka ka dhex-socda magaalada iyo qiimaynta heerka calaamiga ah oo uu bixiyo maamulka dhexe ee ka jira magaalada. Waxaa qiimo u yeela fadhiyada golayaasha siyaasadeed, dhismayaasha kaabadaha dhaqaale, xarumaha diineed ee cibaadada iyo raadka taariikheed ee laga dheehanayo. Waxaa dheer far-shaxanka dhismayaasha casriga ee soo jiidashada leh.

In-kasta oo degmooyinka ay kala awood wayn yihiin oo kala qurux iyo hanti badan yihiin, misana waxay ka siman yihiin dhismo-hoosaadka aanan looga maarmin fududeynta nolosha. Waxaa kamid ah guriyeynta, gaadiidka, nadaafad iyo is-gaarsiinta. Waxaa kale oo magaalada laga helaa adeegyo ay u muhimsan yihiin caafimaad iyo aqoon. Guud ahaan dhismaha magaalo-walba oo dad il-bax ah ay ku dhaqan yihiin waxay leedahay hannaan la raaco, kaas oo kala soocaya degaanada xaafadaha. Waxay u qaybsamaan xaafado dadku deggan yihiin (residential area), xaafado loo shaqa-tago (industrial area), xaafado maamulku ku shaqeeyo (administrative area), degaano ganacsi (business area), meelo lagu nasto (open area) iyo goobo taariikhi ah (historic cnters).

Waxaa suuragal ah in degaanka la waafajiyo goobo wax soo-saar, sida beeraha, kalluumeysiga iyo dekadaha. Noloshan casriga ah, magaalo walba oo dadkeedu uu shan melyan gaaro waxaa ku khasab ah in ay yeelato dhowr gegi-dayuuradeed iyo waddo wareegta oo isku-xirta inta badan xaafadheeda. Taariikhda lama hayo goorta iyo sida ay ku bilaabatay magaaladii ugu horeysey oo dhisanta. Laakiin waxaa xaqiiq ah in ay dhismaha degmooyinku ay ku bilowdeen si qun-yar socod ah, halkaas oo ay dad tiro yar ku soo urureen.

Waxaa jirey colaado bur-burin jirey degmooyinka unkama. Laakiin labadii qarni ee ugu danbeeyey ayaa waxaa si xowli ah ku dhismey degooyin waawayn oo aanan taariikhda aadamiga soo marin oo ku socda barnaamijka cerri-edegeynta (Globalization). Iyagu waxay si toos ah saameyn ugu leeyihiin hor u-marka nolosha aadamiga. Isla-markaas waxay dhaawac xoog leh u geystaan cimilada. Lama yaqaan taariikhda degmadii ugu horeysey ee dhulka ka dhisanta. Laakiin waxaa lahayaa raad sheegaya degmada ugu filka wayn inta la og-yahay. Waxaa ka soo qaadaneynaa saddex degmo oo ugu da’da wayn. Waxay kala yihiin sidan:

1) ARIIXA (Yericho): sida ay isku raacsan yihiin culimada archeology-ga kuna xusan liiska hay’adda UNESCO, magaalada ugu da’da wayn dhulka oogadiisa waa Ariixa. Magaaladu waxay dhacdaa dalka Falastiin, meel u dhow webiga Urdun. Magaalada waxaa la asaasey xilligii ka horeeyey xilliga dhagaxa (Stone age). Xilligaas ayaa waxaa loo yaqaan (Proto- Neolithic). Waxay ku beegan tahay 12000 – 33000. Waa xilliga ay bilaabatay in aadamiga dhagaxa u adeegsado agabka guryaha looga adeegto. Degmadu waxay dhacdaa daanta galbeed ee webiga Urdun. Magaalada Qudus ayay dhanka bari ka jirtaa dhanka bari 37 km. Waa xadka u dhexeeya Urdun iyo Falastiin. Magaaladu waxay ku caan tahay in ay dhacdo dhulka goobta ugu godan oo ugu hooseysa.http://ilwadfocus.com

Muddo 12,000 oo sano ch, ayaa magaalada la degey. Waxaa si xooggan u camirey il-baxnimadii Kancaaniyiinta. Ereyga Ariixa, afka Kancaaniga wuxuu la macne yahay Dayax. Gudaheeda waxaa laga helaa raadad ay ka tageen saddexda diin ee samaawiga ah. Sanadkii 1750-kii ch, waxaa la wareegey magaalada xoogaggii camaaliqada (Hyksos) oo ka yeeshey saldhig ciidameed oo ay ka weeraraan Israa’iiliyiinta. Beershiyiintii, Aleksaderkii waynaa, Biisandigii, furashadii Islaamka iyo Cismaaniyiintii, intuba waa ku dagaalameen degmada. Maanta waxay magaalo-madax u tahay maamulka Falastiiniyiinta. Dadka ku dhaqan waxay ka yar-yihiin 20000 oo qof.

 

 

2) JUBEYL (Byblos): waa degmada labaad xagga da’da degmooyinka maanta jira. Waxay wadataa magac da’wayn oo loo yiqiin xilligii il-baxnimada Baabiliga. Magaaladu waxay dhacdaa xeebta bari ee badda medhitereenianka, 27 km waqooyiga magaalo-madaxda Libnaan (Beyruut). Magaalada waxaa la asaasey 7000 oo sano horteed, xilligii dhagaxa (stone age).

Qarnigii koowaad ch, magaalada waxay la sare-kacdey xiriiradii ganacsiga oo ka dhex abuurmey maamulladii Ashuuriga, Baabiliga iyo Beershiyiinta. Waxaa xigey Giriiggii oo la wareegey xilligii Aleksanderkii waynaa, kaas oo magaaladii u yeeley dhaqan Giriig. Dhaqankaas ayaa sii jiitamayay tan iyo markii ay Roomanku ku gacan-sareeyeen degaanka. Goortii uu curtay maamulkii Biisandiga oo Roomankii u kala jabay bari iyo galbeed, gacan ku hayntii degmada waxaa la wareegey xukunkii biisandiga. Iyagu waxay bur-buriyeen wixii dhismayaal ahaa oo magaalada ka dhisnaa. Dhagxantii dhismayaasha waxay u adeegsadeen dhismayaal farsama cusub oo xilligaas casri ahaa.

Bulshadii asaastey degmadan waxay kamid yihiin dadyowga bilaabay dhigaalka. Iyagu waxay lahaayeen xuruuf musmaaro ah oo sida hirogliifka ay u adeegsadaan ali-ba’ ahaan. Boqor lagu magacaabo Xiiraam oo kamid ahaa madaxdii Finiiqiga ee soo xukumey degmada ayaa qabrigiisa laga heley dhigaalkan. Xilligaas hore degmadu waxay ahayd degaan kalluumeysato, waxay lahayd dhismayaal sare iyo waddooyin waaway. Dadkii kancaaniyiinta ahaa ee ku dhaqnaa waxay ku caan-baxeen geesinimo ay kula dirirayeen qowmiyadaha ku soo duuli-jiray. Qarnigii 3-aad ch, magaalada waxay noqotay mid hor u-marsan.

Agab badan oo ay dhoofin jireen waxaa kamid ahaa alwaaxda. Hor u-marka ay ka gaareen farsamada alwaaxda waxay magaalada ka dhigtey meeshii ugu horeysey oo ay ka bilaabatay farsamada alwaaxda iyo musmaarada leysku qabto. Waxaa kale oo magaalada ay xilligaas dhoofin jirtey alaabta guriyaha loo adeegsado oo ay kamid yihiin weelasha raashinka. Qiimihii magaalada waxaa sii xoojiyay furashadii Islaamka. Labadii qarni ee kala ahaa 12-aad iyo 13-aad, magaalada waxaa qabsadey dagaalo sidii mowjadihii iska daba-imanayay oo lagu hoobtey. Waa colaadihii loo yiqiin macatab u-dirirka. Dabadeed waxaa degaanka gacanta ku dhigey saldanaddii Cismaaniyiinta. Maanta degmada Jubeyl waxay kamid tahay xeebaha ugu quruxda badan ee dalka Libnaan. Waxaa ku dhaqan 40,000 oo qof.

3) XALAB (Aleppo): waa magaalada saddexaad ee ugu da’da wayn wayn caalamka. Waxay dhacdaa waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya. Waxay xigtaa xuduudda Turkiga. Muddo ka badan 4,000 oo sano ayay magaaladu jirtay. Boqortooyadii Aashuuriga ee ka curatay dalka Suuriya ayay u ahayd magaalo-madax. Kutubta taariikhda qaarkood waxay qoraan in nebi Ibraahin uu ariga ku raaci jiray magaaladan oo uu halkaas ku lisan jiray. Sidaas ay kula baxday magaca Xalab. Magaaladu waxay la soo cayshtay xadaarado badan oo taariikhda ku xusan. Dhowr jeer ayaa degmada inta cadow ku soo duuleen dadkeedii la laayay, hantideedii la dhacay, dhismayaasheediina la bur-buriyay. Baabiliyiintii, Aaramiyiintii iyo Aleksandarkii waynaa. https://whc.unesco.org/en/list/21

Xilligii furashada muslimiinta, sanadkii 637-kii magaalada waxaa qabty labadii saxaabi waynaa Abuu Cubeyda ibnu Jaraax iyo Khaalid binu Waliid. Waxay markaas kamid noqotey degmooyinkii milgaha cuslaa oo ay maamulayeen amiiradii Khulufada. Sanadkii 1138-kii, waxaa gobolka Shaam ka dhacay dhul-gariir, kaas oo magaaladii bur-buriyey. Waxaa xusid mudan in dhul-gariirkaas uu yahay midka shanaad ee ugu xoogga wayn ee taariikhda lagu hayo. Dagaalladii macatab u-dirirka, laba jeer ayaa magaalada ay hareereeyeen ciidamadii biisandiga. Waxay kala ayaayeen sanadihii 1098-kii iyo 1124-kii. Midkoodna ma suurtagelin in degmda ay ku dhacdo gacanta ciidamadii macatabka.

Sanadkii 1400, waxaa kale oo magaalada dhaawac u geystey ciidamadii uu hoggaaminayay dhiig-yacabkii ahaa Timuur. Isagu wuxuu kamid ahaa amaan-duulayaashii ciidamada dowladda Maguulka, isla-markaas wuxuu qaraabo la ahaa Jinkis-Khaan. Dhibaatadii magaalada Dimashaq ay kala kulantay ciidanka Maguulka, mid lamid ah ayay Xalab la kulantay. Timuur wuxuu magaalada ka qaatay 20,000 oo madaxyo ahaa dad uu laayay. Maanta waxaa degmada tiriyaa in ay tahay magaalada ugu weyn dalka Suuriya waana caasimadda dhaqaalaha ee dalka. Waxaa ku nool dad riradoodu ay gaareyso 4,600,000. Sidaa darteed waa magaalada ugu dadka badan dalka Suuriya.

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Article