WQ: Dr Saadiq Enow
Haddaanu dib ugu laabanno howshii AFRICA OIL, xilliga ay howl-galka bilowday waxay ahayd xilli ay goobta (Block 29) weli gacanta ugu jidho qandaraaskii ay shirkadda CONOCO heysatay. Waxaa jira xeerar khuseeya kirada goobaha shidaalka, kaas oo ay ku heshiiyaan kireystaha (milkiilaha dhulka) iyo kiraalaha (shirkadda ka ganacsanaysa). Xeerarkaas labada qodob oo ugu milgaha culus waa midka hor-dhaca ah oo ay shirkaduhu ku qaadanayaan qandaraasyada oo ay khasab tahay in lagu xuso xilliga ay shaqadu bilaabanayso iyo xeerka lagu wada-joogayo markii ay shaqadu bilaabato.
Labada heshiis waxaa u dhexeeya haddii uu kireystaha ka baxo meesha xeerka caddaynaya in ciddii timaadda ay ku khasban tahay in ay fuliso heshiisyadii horey u yiil. Laakiin haddii cid timaadda la waayo sida Soomaaliya oo dowladdii dhexe markii ay bur-burtay lagu heshiin waayay dowlad dhexe oo matasha Soomaalida, taas oo ay ahayd in ay la wareegto masuuliyadda heshiisyadii la dhigtay. Xaaladdaasi waxaa ka yaal xeer caalami ah oo sheegaya, haddii bur-bur lagu jiro muddo rubuc qarni ah (25 sano) oo muddadaas la waayo wax xilkii la wareega, waxaa markaas buraya dhamaan wixii heshiisyo ahaa oo la dhigtay muddadaas horteed. Gadaal ayay inooga iman-doontaa, dowladdii uu Madaxwaynaha ka ahaa Xasan Shiikh Maxamuud qaabkii ay ku heshey ictiraafkii Soomaalida lagaga saaray ku meel-gaarka si loo badbaadiyo heshiisyadii shidaalka ee horey u yiil.
Xilliga ay AFRIKA OIL imanayso, bur-burkii dwladda dhexe waxaa laga joogay 15 sano. Weli waxaa dhaqan-gal ahaa qandaraasyadii ay haysteen shirkadaha waawayn oo CONOCO ay kamidka tahay. Sidaa darteed ayay AFRIKA OIL waxay isku-deydey in ay shirkadda CONOCO siiso saami dhan 30 % oo ay kagala wareegto goobta (Block 19) oo uu ku yaal ceelka Hol-Hol. Laakiin CONOCO waa ay ka diidey saamigaas. Arintaasi waxay kamid ahayd sababihii ay AFRICA OIL uga fogaatay gebi ahaan sahanka degaanka Nugaal.
Sabab labaad ayaa jirtay oo looga fogaaday degaanka Nugaal. Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah isinka guud ee beesha Dhulbahante ee gobolka Sool degta ayaa si cad ugu sheegey war-baahinta caalamka in degaanka Hol-Hol uu yahay degaan ay leeyihiin reerka Dhulbahante. Beeshuna ayan sina u oggolaanayn in loo gacan-dhaafo talada degaankeeda. Gabadha la yiraahdo Kerstin Lundell waa wariye u dhalatay dalka Sweden. Buug ay qortay oo ku soo baxay afka swedishka oo la yiraahdo Dhiiggii Madoobaa (Det Svarta Blodet) ayay sanadkii 2010-kii waxay ku qaadatay billadda dalkeeda laga bixiyo oo la yiraahdo Guld-spaden. Waa billad dahab ah oo la siiyo wariyayaasha midkoodii muteysta. Gallad haka-gaadhee, ereyga isoo jiitay oo buugga ay ku bilaabatay ayaa wuxuu yahay:
“ waxaan u daabacay nafteyda iyo hooyo walba oo isku-deyeysa in ay caruurteeda ku badbaadiso duni ay adag-tahay in lagu noolaado ”.
In-badan oo buugga ah waxay kaga hadlaysaa halista ay dadkeeda ku tahay nicmadaha fadhiya ceelka Fool-jeex (Block 5) ee gobolka Jarar iyo ceelka Hol-Hol (Block 29) ee gobolka Sool. Gabadhan ayaa buugan waxay ku soo bandhigtay xog la yaab-leh oo ka qarsoon adduun-waynaha, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed. Buuggan oo danqiyay qaar kamid ah siyaasiyiinta waawayn ee waddamadan, ayaa gabadhan waxay ku soo bandhigtay nicmadahaas ay shirkaduhu sahminayaan iyo sida dadyowga saboolka dhiiggoodu ugu dul qul-qukayo. Kumanaan dhallinyaro ah oo ay suuragal tahay in ay u dhintaan nacladda nicmadahan ayay gabadhan ka-sii digtey. Ishaarada koowaad oo digniintu ay ka muuqato waxay tahay hadal uu kula hadlay masuul Soomaaliyeed oo xoghayn ka ahaa shir-wayne ay JQ ka Dh u qabatay Soomaalida. Shir-waynahan oo ka dhacay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiya ayaa wuxuu qabsoomay laba maalmood oo ahaa 31-may iyo 1-juun sanadkii 2012-ka. Waxaa ka soo qayb-galay 55 dowladood, waxaa looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya. Masuulkaas ay Kerstin Lundell la kulantay markii ay u muujisay in ay doonayso in ay ka wareysato shidaalka, wuxuu ku yiri:
“ Ma shidaal (ayaad igala hadlaysaa) ?. Mowduucu, waa ceeb aanan laga hadlin. Laakiin xiiso ayuu leeyahay. Goor danbe isoo wac, markaas ayaanu ka wada-hadleynaa “.
Kerstin Lundell, ninkaas ay la kulantay waxay ku tilmaantay nin da’-wayn isla-markaas ugu muuqday in uu masuul sare ka yahay dowladda Soomaaliya. Sidaa darteed ay ka heli karto ogaallo muhim ah oo ku saabsan nicmadda nacladaysan ee Soomaaliya. Xiriirka keliya oo ninkii masuulka ahaa ay ka heshey wuxuu ahaa taleefankiisii uu ku isticmaalayay Turkiga. Waxay u dooratay la-hadalkiisa, wuxuu ugu muuqday nin ay ka heli-karto xog wanaagsan oo ku saabsan shidaalka Soomaaliya. Markii ay arki-weydey, goor danbe ayay wacday. Kama uusan qaban taleefanka, laakiin sms ayuu qoraal ugu soo jawaabay oo u sheegey in uu mashquul yahay. Dabadeed fursad uma ayan helin ay mar-kale kula kulanto oo waa uu qarsoomay.